Lacagaha ay dowladda Britain deeq ahaan u siiso Hay’addo oo u gacan gala Al-shabaab.[Dailymail]
February 24, 2014 - Written by EditorLondon:Warbixin lagu daabacay Wargayska Dailymail oo ka soo baxa wadanka Ingriiska aadna ugu dhow Xisbiga talada haye ee Conservative ayaa lagu xusay in lacag gaaraysa ilaa £ 90 million ay dowladda Ingriisku ugu deeqday dowladda Soomaaliya ay u gacan gashay Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska ayaa ansixiyey in deeqdaan lacageed lagu taageero dowladdaha ku yaal Geeska Afrika oo ay halakeeyeen dagaalada sokeeye sidda Soomaaliya. Deeqdaan lacageed ayaa waxaa ay dowladda Ingiriisku sidda ay sheegtay ugu talo gashay in Geeska Afrika aysan noqon Afgaanistaan Labaad. Lacagtaan faraha badan ayaa waxaa loo dhiibay Hay’addo Samafal iyadoo Dowladda Ingriiska iyo beesha caalamku ay ka ilaaliyeen dowladda Federaalka Soomaaliya in lacagtaan gacanta ay u gasho ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay yihiin kuwo wax musuq maasuqa.
Warbixinta lagu daabacay Wargayska Dailymail ayaa lagu xusay in lacag dhan £500,000 oo Pound loo gacan geliyey ururka Al-shabaab iyadoo wargaysku sheegay in lacagtaan ay baxday waqtigii ay abaaruhu ka dhaceen Soomaaliya 2011 oo dad gaaraya 260.000 oo qof ay u dhinteen macaluul.
Warbixinta lagu daabacay Wargayska Dailymail ayaa waxaa kale oo lagu xusay in Hay’addaha Samafalka ee ka howl gala Soomaaliya sidda ay sheegeen lacago qasab ah ay uga qaadi jireen ururka Al-shabaab lacagaas oo loo bixiyey in ay tahay “Lacagta Badbaadinta” si ay uga howl galaan deegaanada ay ka taliyaan ururka Al-shabaab.
Warbixinta lagu daabacay Wargayska Dailymail ayaa ku soo beegmaysa xili maalmihii la soo dhaafay ay warbixin ay soo saareen Un- Moniter -Group ay ku eedeeyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in hub iyo rasaas ay u gudbiyeen ururka Al-shabaab.
Halkaan ka Akhriso qoraalkii Warayska Dailymail oo ku qoran Afka-Ingriiska
Source: Wargayska Dailymail
Halgan.net, London