Lacagaha ay dowladda Britain deeq ahaan u siiso Hay’addo oo u gacan gala Al-shabaab.[Dailymail]

February 24, 2014 - Written by Editor

daily mailLondon:Warbixin lagu daabacay Wargayska Dailymail oo ka soo baxa wadanka Ingriiska aadna ugu dhow Xisbiga talada haye ee Conservative ayaa lagu xusay in lacag gaaraysa ilaa £ 90 million ay dowladda Ingriisku ugu deeqday dowladda Soomaaliya ay u gacan gashay Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska ayaa ansixiyey in deeqdaan lacageed lagu taageero dowladdaha ku yaal Geeska Afrika oo ay halakeeyeen dagaalada sokeeye sidda Soomaaliya. Deeqdaan lacageed ayaa waxaa ay dowladda Ingiriisku sidda ay sheegtay  ugu talo gashay in Geeska Afrika aysan noqon  Afgaanistaan Labaad. Lacagtaan faraha badan ayaa waxaa loo dhiibay Hay’addo  Samafal iyadoo Dowladda Ingriiska iyo beesha caalamku ay ka ilaaliyeen dowladda Federaalka Soomaaliya in lacagtaan gacanta ay u gasho ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay yihiin kuwo wax musuq maasuqa.

Warbixinta lagu daabacay Wargayska Dailymail ayaa lagu xusay in lacag dhan  £500,000 oo Pound loo gacan geliyey ururka Al-shabaab iyadoo wargaysku sheegay in lacagtaan ay baxday waqtigii ay abaaruhu ka dhaceen Soomaaliya 2011 oo dad gaaraya 260.000 oo qof ay u dhinteen macaluul.

Warbixinta lagu daabacay Wargayska Dailymail ayaa waxaa kale oo lagu xusay in Hay’addaha Samafalka  ee ka howl gala Soomaaliya sidda ay sheegeen lacago qasab ah ay uga qaadi jireen ururka Al-shabaab lacagaas oo loo bixiyey  in ay tahay  “Lacagta Badbaadinta” si ay uga howl galaan deegaanada ay ka taliyaan ururka Al-shabaab.

Warbixinta lagu daabacay Wargayska Dailymail ayaa ku soo beegmaysa xili maalmihii la soo dhaafay ay warbixin ay soo saareen Un- Moniter -Group ay ku eedeeyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in  hub iyo rasaas ay u gudbiyeen ururka Al-shabaab.

Halkaan ka Akhriso qoraalkii Warayska Dailymail oo ku qoran Afka-Ingriiska

Source: Wargayska Dailymail
Halgan.net, London

 

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online