Maamulka KMG ee Juba oo soo bandhigay Masawirka dhagarqabihii dilay Ciise Kaambooni.
February 18, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Saraakiisha Maamulka KMG ee Juba ayaa caawa soo bandhigay sawirka dhagarqabihii dilay Ciise Maxamed Allaaki (Ciise Kaambooni) oo ahaa Taliyihii ciidanka nabadsugida Maamulka KMG ee Juba
Wiilka Dilay Ciise Kaambooni ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan waxaana adeer u ahaa Ciise Kaambooni.
Wararka aan ka helnay ilo wareed ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dhagarqabihii dilay ciise Kaambooni uu u baxsaday magaalada Jilib oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab ayaa sheegay in Ciise Kaambooni uu dhib badan ka geystay Kismaayo ayna shartiisa umada dhaafiyeen waxaana uu ku goodiyey in kuwa kalana ay sidaas u beegsan doonaan.
Cabdi Yare
Kismaayo
xuquuqda Sawirka (Dhanaan.com)