Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka G/dhiga Ethiopia
February 24, 2014 - Written by EditorAddis Ababa:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta xarunta wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay wasiirka gaashaandhiga Ethiopia Siraj Fagessa
Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku wehelinayay kulanka Madaxweynaha, waxana soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Ethiopia Gen. Maxamed Yonis Samora iyo sarakiisha ciidamada.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuuliyinta gaashaandhiga Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo ee u dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay taageero uga heli lahaayeen Ethiopia ku aadan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab oo fariisin ka dhigatay buuraleyda Galgala.
Dr. Cabdiweli Gaas ayaa u gudbiyay saraakiisha Ethiopia baahida Puntland u qabto in ciidanka loo qalabeeyo islamarkaasina tababaro dheeraad ah loo fidiyo, waxana uu uga mahadceshay taageeradda iyo dadaalada ay ku baxshaan nabad waarta oo ka dhalata Somalia.
Ethiopia waxay u balanqaaday Puntland taageero Militeri iyo wada-shaqeyn dhow inay yeeshaan labada dhinac si wadajir dagaal loogu qaado kooxda Al-shabaab oo qaybo badan oo ka mida Koonfurta dalka laga soo saaray.
no images were found
Gelinka danbe ee maanta ayaa madaxweynaha Puntland uu kulan balaaran la qaadan doonaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland