Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka G/dhiga Ethiopia

February 24, 2014 - Written by Editor

1Addis Ababa:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta xarunta wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay wasiirka gaashaandhiga Ethiopia Siraj Fagessa

Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku wehelinayay kulanka Madaxweynaha, waxana soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Ethiopia Gen. Maxamed Yonis Samora iyo sarakiisha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuuliyinta gaashaandhiga Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo ee u dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay taageero uga heli lahaayeen Ethiopia ku aadan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab oo fariisin ka dhigatay buuraleyda Galgala.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa u gudbiyay saraakiisha Ethiopia baahida Puntland u qabto in ciidanka loo qalabeeyo islamarkaasina tababaro dheeraad ah loo fidiyo, waxana uu uga mahadceshay taageeradda iyo dadaalada ay ku baxshaan nabad waarta oo ka dhalata Somalia.

Ethiopia waxay u balanqaaday Puntland taageero Militeri iyo wada-shaqeyn dhow inay yeeshaan labada dhinac si wadajir dagaal loogu qaado kooxda Al-shabaab oo qaybo badan oo ka mida Koonfurta dalka laga soo saaray.

no images were found

Gelinka danbe ee maanta ayaa madaxweynaha Puntland uu kulan balaaran la qaadan doonaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online