Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku baaqay wada shaqeyn dhexmarta dowladda iyo shacabka.
February 8, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi, oo maanta ka qeyb galayay shir ay magaalada Garoowe, ku yeesheen daladda magaceeda loo soo gaabiyo PUNSAA, ayaa sheegay in baahi loo qabo iney wada shaqeeyaan dowladda iyo ururada bulshada, wuxuuna dhiniciisa sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay arrinkaas.
Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyneyso horumarka iyo midnimada, wuxuuna carrabka ku dhajiyay iney u baahan yihiin in bulshadu taas kala qeyb qaadato.
Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Puntland uu ansixiyay xukuumadda uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay Eng. Cabdixakiim, waxaana la dhowrayaa sida xukuumaddu u hirgeliso balan qaadyadeedii.
Halgan.net
Somalireal