Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku baaqay wada shaqeyn dhexmarta dowladda iyo shacabka.

February 8, 2014 - Written by Editor

Camey-Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi, oo maanta ka qeyb galayay shir ay magaalada Garoowe, ku yeesheen daladda magaceeda loo soo gaabiyo PUNSAA, ayaa sheegay in baahi loo qabo iney wada shaqeeyaan dowladda iyo ururada bulshada, wuxuuna dhiniciisa sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay arrinkaas.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyneyso horumarka iyo midnimada, wuxuuna carrabka ku dhajiyay iney u baahan yihiin in bulshadu taas kala qeyb qaadato.

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Puntland uu ansixiyay xukuumadda uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay Eng. Cabdixakiim, waxaana la dhowrayaa sida xukuumaddu u hirgeliso balan qaadyadeedii.

Halgan.net
Somalireal

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online