Madaxweyne Xasan Sheekh “Ciidanka Asluubtu waa Hal-bowlaha Garsoorka!!(Masawiro)

February 22, 2014 - Written by Editor

12Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda 44 aad ee ka soo wareeegatay maalintii la aas-aasay Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay xarunta Taliska Ciidamadda Asluubta ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda Waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdulaahi Goodax Barre, Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta, Nabad Sugidda iyo Xooga Dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdullaqaadir ayaa ugu horreyntii hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeenadda, askarta iyo Qoysaskooda ” Ciidamadda Asluubta waa kuwa dhaqan-celin u sameeya maxaabiista, waxeyna ka hortagaan dhaqamadda xun xun, dhawaanna howlahooda aad ayey u soo muuqan doonaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore u hambalyeyey dhammaan Ciidamadda Asluubta iyo Qoysaskooda “Hambalyo ayaan leeyahay dhammmaan Taliyayaasha, Ciidamadda, Carruurtooda iyo Xasaskooda, maanta waxay ka mid tahay maalmaha aadka noogu weyn. Dowladdu waxey ahmiyad gaar ah siineysaa dib-u-habeynta Garsoorka oo muhiim u ah caddaaladda, sinnaanta iyo xaquuqul insaanka. Maxaabiistana waxaan ku dadaaleynaa inay helaan tasiilaadkii muhiimka u ahaa, si ay u noqdaan kuwa ka waantooba danbiyada isla markaana ka faa’iiseysta fursada dhaqancelitna ee dowladdu u fidineyso.”

no images were found

“Dhiiranaan dheeri ah ayey igelineysaa in aan maanta arko Ciidamadda Asluubta oo Sannad Guuradooda u dabaal degaya, Waxaa la idinka baahan yahay waajibkii caadiga ahaa ee idin sarnaa iyo kuwa dheeri ah oo ay keeneen daruufaha dalka ku jira ee uu Amnigu ugu horeeyo, Ciidamadda Asluubta waa hal-bowlaha Garsoorka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadalo dhiiro-gelin ah u jeediyey Ciidamadda ayaa yiri “Waxaan dareemayaa isku day ka turjimaya balanteenii ahayd marka hore wixii aan qabsan karno aan qabsano kaddibna waxii aan kari weyno aan dalbano, Soomaaliya Soomaali baa leh, oo waxaa nalaga sugayaa inaan daruufahan adag dalka ka saarno innagoo isku duuban.”

– DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online