Mu’assasada Minhaaj oo qabtay Kulan lagu soo bandhigay Barnaamijka horimarinta Xalaqatka Cilmiga[Masawiro]

February 27, 2014 - Written by Editor

IMG_1730Boosaaso: Caawa oo taariikhdu tahay 27/02/2014 ayaa masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay barnaamij lagu hormarinayo barashada culuumta shareecada iyo luqada carabiga gaar ahaan xalaqaatka cilmiga, barnaamijkan oo ka soo baxay shir dhawaan ku qabsoomay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayna isugu yimaadeen qayb ka mid ah culimada dalka ugu waaweyn.

Waxaa caawa barnaamijka kalimad furitaanah ka jeedshay Sh.Xasan Maxamed Ibraahim  ( abuuxassaan), kuna saabsanyd sidii cilmiga loo baran jiray ayna saldhig u ahyd barashadiisa masaajidda sidaa darteed ay soo baxeen masaajid ku caanbaxday baridda cilmiga sid: 2da Xaram iyo masaajidka Umawiyiinta iyo kuwa kaleba. Sidoo kale wuxuu shiiikhu ka hadlay is baddalkii ku yimi iyo soo ifbixiddii madaaris nidaami ah kuwaa soo si wayn uga qayb qaatay faafinta cilmiga sharciga.

Intaa kaddib waxaa kulanka ka hadlay Sheekh. Axmed C/samad oo faahfaahin ka baxshay heerarkiii uu soo maray kulan-cilmiyeedkii horumarinta xalaqaatka cilmiga ee lagu qabtay magaalada Laascaanood, culimadii kasoo qaybgashay, diraasadihii lagu soo bandhigay, manhajkii waxbarasho ee culimadu u dajiyeen xalaqaatka cilmiga, waxyaabihii manhajkaas lagu duldhisay iyo dardaarankii culumadu u jeediyeen bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay shiikhu in manhajkaan cusub loo diyaarshay si ay bulshawaynta soomaliyeed uga faa iidaysato iyo dunida muslimka ahba, wuxuuna ka kooban yahy labo qaybood: qayb loogu talogalay dadweynaha iyo qayb loo diyaarshay xer-cilmiga culimanimada loo diyaarinayo.

Ugu danbayntee shikhu wuxuu ugu baaqay maamullada somaliyeed inay hawshaas u istaagaan miisaniyaddana qayb uga qoondayaan, sidoo kale indheer garadka iyo ganacsatada iyo waliba bulshaweynta Soomaaliyeed inay la garab istaagaan baridda manhajkaan hiil, hoo iyo taloba.

no images were found

Ugu dambayntii waxaa madasha kasoo jeedshay kalimaad mahad celin ah Sh. C/raxmaan Bukhaari sidoo kalena wuxuu ka hadlay shiikhu fadliga uu ka leeyahay barashada cilmiga alle agtiisa. Isku soo duubo kulankani wuxuu qayb ka noqanayaa kulamao lagu soo bandhigayey barnaamijka horimarinta xalaqaatka, kuwaaso horay uga so qabsoomay magalooyinka Laascaano, Burco, Garoowe, iyo Qardho, waxaana qorsheesan in kulama noocan oo kale ah lagu qabto dalka daafihiisa hadduu alle idmo.

Mu’assasada Minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online