Puntland oo xukun ku riday 4 qof oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.[Cod/Masawiro]

February 11, 2014 - Written by Editor

5Boosaaso:-Waxaa maanta ay Maxkamada ciidanka Puntland ee Gobollada Bari, Sanaag iyo Gardafuu oo xarunteedu tahay magaalada Boosaaso ay xukumo kale duwan ku riday 4 dhalinyaro ah oo ay ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Eedaysanayaasha ayaa waxaa Xeer ilaalinta dowladda Puntland ku eedeysay in ay ku lug lahaayeen falal amni daro ah oo ka dhacay deegaanada Puntland , balse arrinkaas ayaa dhalinyaradu iska difaaceen.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa markii uu dhagaystay eedaynta xeer ilaaliyuhu u soo jeediyey afarta eedaysane iyo is difaac ooda ayaa waxaa uu ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ay riday oo ahaa sida tan:-

Afarta Eedeysane ee saaka Maxkamada la horkeenay ayaa waxaa ay kala ahaayeen:-

1-Cabdiraxmaan Muuse Cismaan ayaa Maxkamadu ay ku xukuntay Xabsi Daa’in.

2-Cabdixakiim Cabdulaahi Xundul waxay Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xarig ah.

3-Cabdixakiim Cumar Gudduudow waxaa ay Maxkamadu ku xukuntay 5 sano oo xarig ah.

4-Aways Buule Saadiq Waxaa ay maxkamadu ku xukuntay in la sii daayo maadaama lagu waayey wax danbi ah.

Aways Buule Saadiq oo la hadlay Saxaafada ayaa markii la sii daayey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dib u hellay xoriyadiisa isagoo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay intuu Xabsiga ku xirnaa.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa waxaa uu sheegay in eedeysanayasha ay racfaan ka qaadan karaan xukunka mudo 30 cisho ah haddii kalena uu xukunku uu dhaqan geli doono.

no images were found

Xukunka ay maanta riday Maxkamada ciidanka dowladda Puntland ee Gobollada Bari, Sanaag iyo Gardafuu ayaa ku soo beegmay xili ay dagaalo ku dhex mareen Ciidanka daraawiishta Puntland iyo ururka Al-shabaab degaano ka tirsan Buuraha Golis ee ku yaal Gobolka Bari.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Puntland oo xukunka ku dhawaaqay

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online