Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Djibouti
February 16, 2014 - Written by EditorRa’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Djibouti iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamud Cali Yusuf
Booqashadan rasmiga ah oo labo maalmood qaadan doonta ayaa Ra’iiusl Wasaaruhu uu kulamo kula qaadan doonaa madaxda dalka walaalaha aan nahay ee Djibouti oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dowrka ciidanka Djibouti ee Amisom.
“ Aad baan ugu faraxsanahay booqashadan rasmiga ah ee aan ku imid dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay, waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaa oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dale e walaalaha aan nahay iyo iskaashiyo kala duwan oo aan wadaagi doonno.” Ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdieli Sheekh Axmed.
Ra’iiusl Wasaaraha Djobouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Labada maalmood ee soo socota waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaan oo ah danaha labada dal ee walaalaha ah.”
no images were found
Waxaa booqashadan ku whelinaya Ra’iisul Wasaaraha Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.
Ra’iiusl Wasaaraha ayaa saaka kasoo ambabaxay dalka Ethiopia oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana kusoo sagootiyay garoonka diyaaradaha Wasiirka arimaha Dibadda ee dalka Ethiopia.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so
Ridwaanhaji@gmail.com