Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Djibouti

February 16, 2014 - Written by Editor

Picture 023Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Djibouti iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamud Cali Yusuf

Booqashadan rasmiga ah oo labo maalmood qaadan doonta ayaa Ra’iiusl Wasaaruhu uu kulamo kula qaadan doonaa madaxda dalka walaalaha aan nahay ee Djibouti oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dowrka ciidanka Djibouti ee Amisom.

“ Aad baan ugu faraxsanahay booqashadan rasmiga ah ee aan ku imid dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay, waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaa oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dale e walaalaha aan nahay iyo iskaashiyo kala duwan oo aan wadaagi doonno.” Ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdieli Sheekh Axmed.

Ra’iiusl Wasaaraha Djobouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Labada maalmood ee soo socota waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaan oo ah danaha labada dal ee walaalaha ah.”

no images were found

Waxaa booqashadan ku whelinaya Ra’iisul Wasaaraha Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iiusl Wasaaraha ayaa saaka kasoo ambabaxay dalka Ethiopia oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana kusoo sagootiyay garoonka diyaaradaha Wasiirka arimaha Dibadda ee dalka Ethiopia.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: 
Media@opm.gov.so 
Ridwaanhaji@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online