Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo kulan uu ku dhexmaray Addis Ababa

February 14, 2014 - Written by Editor

IMG_6626Addis Ababa:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa uu maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn iyadoo ay wehelinayeen Ra’iisul Wasaaraha qaar kamid ah xubnaha Xukuumaddiisa oo socdaalka ku wehelinaya.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Ganacsiga, Warbaahinta, Duulista Hawada iyo ka qayb qaadashada horumarinta iyo tayaynta Hay’adaha Dawladda Soomaaliya. Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

“ Waxaan uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka Amisom taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Xagjirka ah ee dhibaataynaya shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Ra’iiusl Wasaaruha Soomaaliya ayaa sheegay in lasii xoojin doono howl-galadda lagu burburinayo nabad-diidka isla markaana lagu xoraynayo goboladda ay weli ku harsan yihiin kooxaha Nabad-diidka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa dhankiisa sheegay in ay markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxaa uuna rajeeyay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

Ugu danbayntii waxaa labada dawladood ay kala saxiixdeen Heshiis ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Ethiopia. Heshiiskaas oo ah iskaashiga dhinacyada Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaana wada shaqaynta iyo Iskaashiga dhinacyada Booliska iyo Warbaahinta dawladda.

END
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so
Ridwaanhaji@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online