Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Falkii lagu weeraray Maqaaxida waa astaan kale oo muujinaysa in laga guulaysanayo Nabad-diidka”

February 27, 2014 - Written by Editor

IMG_6185-2Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa fal foolxumo iyo fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ay maanta ka fuliyeen kooxaha nabadiidku maqaaxida laga cunteeyo ee ku taala isgoyska KM-Zero ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi. Wuxuuna ilaahay uga baryay dadkaasi in uu ka waraabiyo janadiisa fardowsa, intii ku dhaawacantayna u rajeeyey caafimaad deg  deg ah.

“Beegsida argagixisada ee goobaha shacabka, waxaa ay astaan u tahay dhamaadka waqtiga kooxdan caadaysatay daadinta dhiiga shacabka, dawladduna wey u diyaar garowday sidii loo siffeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlay falkii qaraxa ahaa ee saaka lala beegsaday maqaaxida ku taala isgoyska KM-Zero.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaasi ku daray: “Waxay cadowgu ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa, waxayna go’aansadeen in ay sii daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal dembiyeedkan in lala xisaabtami doono, falalka noocan oo kale ah marnaba nagama hakin doonaan talaabooyinka aan ku cirib tireyno nabadiidka.”.

Garad Salad Hersi
Senior Press Officer, OPM
Mob.+252-61-5536608
Mogadisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online