Ra’iiusl Wasaaraha DFS oo la kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia.(Masawiro)

February 15, 2014 - Written by Editor

IMG_7114Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa galinkii danbe ee maanta kulan dheer la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia Mudane Tedros Adhanom Ghebreyesus iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta iskaashiyo kala duwan oo labada dal ay ka yeeshaan arrimaha ay kamid yihiin amniga labada dal iyo sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd.

“ Waxyaabo badan ayaa naga dhexeeya dawladaha dariska sida Ethiopia, waxaa jira caqabado saamaynaya amaanka dalalkeena oo loo baahan yahay in aan iska kaashanno. Waxaan uga mahadnaqaynaa Ethiopia oo qayb ka ah Amisom taageerada ay ka gaysanayso dhanka amaanka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dawladdiisu ugu jirto dib u dhiska hay’adaha dawladda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sugidda amniga dalka oo dhibaatooyin ay ku hayaan kooxaha Nabad-diidka ah, isagoo intaasi ku daray in la gaaray xiligii laga guulaysan lahaa kooxahaas isla markaana loogu istaagi lahaa dib-u-dhiska dalka.

no images were found

Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia TedrosAdhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay ka qayb-qaadashada dhinacyada amniga iyo tababarka ciidamada Soomaaliya, tedros ayaa sheegay in Soomaaliya ay u muuqato in ay soo kabanayso.

“Isbadal ayaa ka muuqda Soomaaliya xiligan, waa in aan ka hor-imaanaa kuwa ku fikiraya in Soomaaliya ay kusii jirto dhibaatada. Waxaan idinka taageeraynaa ciidanka iyo tababarada si aan looga mira dhaliyo isbadalka cusub ee Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia.

Dhamaad.

Ridwaan Haji Abdiwali,
 Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online