Sh.Abu Basiir Al-Dharduus أبو بصير الطرطوسي oo ka hadlay xaalada Suuriya iyo kooxda Daacish.[Daawo]

February 14, 2014 - Written by Editor

Darduusi1Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim laguna naanayso Abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa waraysi gaar ah kala yeeshay xaalada murugsan ee dalka Suuriya Tv-ga Al-hiwar قناه الحوار isagoo si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka ay ciidanka dowladda Suuriya ee uu madaxweynaha u yahay Bashaar Asad ay u geysteen shacabka muslimiinta ah ee ku nool dalka Suuriya.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim Abu Basiir Al-Dharduus ayaa xaalka dalka Suuriya waxaa uu ku sifeeyey mid u dhexeeya rajo iyo murug ka dib markii ay dhibaato xooggan ay ku soo kordhiyeen kooxda ”Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama loo yaqaaan Daacish” oo wiiqay dagaalkii hubaysanaa ee ay kooxaha Suuriya ay kula jireen ciidanka dowladda Suuriya iyagoo kala wareegay degaano badan.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim Abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu sheegay in Kooxda Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama loo yaqaaan Daacish ay dagaalo , qaraxyo iyo dilal qorshayan ay u geysteen kooxihii dagaalka kula jiray dowladda Suuriya iyagoo ku xukumay gaalnimo iyo in ay yihiin saxawaat.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim Abu Basiir Al-Dharduus ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in kooxda”Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama loo yaqaaan Daacish” ay cid walba u raadiyaan danbi oo xitaa qofkii ama kooxdii gaalo wax uun kala hadasha haba noqotee qaabkii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Suuriya in la buun buunyo ka dibna lagu tuuro rido ama gaalnimo.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim Abu Basiir Al-Dharduus ayaa ku buuriyey in kooxaha dagaalka ka wada Suuriya ay ula dhaqmaan nabad ama ula dagaalamaan qaabkii Khawaarijta kooxda ”Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama loo yaqaaan Daacish” oo uu Shiikhu sheegay in ay yihiin kuwa been iyo dhagar badanayaal ah.

Mar wax laga diidiiyey Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim Abu Basiir Al-Dharduus halka ay ka yimaadeen Kooxda Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama loo yaqaaan Daacish ayaa waxaa uu sheegay in ay ka yimaadeen dalka Iraaq iyagoo markii hore ku soo gabaday Jabahadda Al-Nusraha walow markii danbe ay ka baxeen.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim Abu Basiir Al-Dharduus ayaa xusay in kooxda Daacish ay Ciraaq ka gaysteen arrimo fool xun oo ay ugu horayso iyagoo akhyaartii ka laayeen ururadii Islaamiga ahaa ee ka dagaalamayey Ciraaq gaar ahaan Ansaar Al-sunaha iyo iyo Ciidanka Islaamka.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al-Dharduus ayaa waxaa uu u qaybiyey kooxda ”Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama Daacish” ilaa saddex qaybood oo kala ah:-

1. Koox lunsan oo raacday dariiqii Khawaarijta

2. Koox jaajuusiin ah oo cadaw ah

3. Koox Muhaajiriin ah oo da’yar ah oo iyagu la kadiyey allaha soo hanuuniyee

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al-Dharduus ayaa waxaa uu ahaa ragga Munadiriinta u ahaa Kooxaha hubeysan ee taageera ama ka mid ah Ururka Al-qaacid isagoo qoray Risaalooyin fara badan oo uu ku taageersanaa arrimo badan.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu leeyahay Kutub badan oo ay aad u cuskadaan kooxaha Islaamiyiinta ee hubeysan ama dadka fikrigooda raacsan ilaa ay gaarsiiyeen qaarkood in uu yahay Munadirkii Ururka Al-qaacid.

Dhawaan ayey ahayd markii uu ka soo saaray bayaan dagaalka u dhexeeya kooxaha ka dagaalamayey Suuriya isagoo bayaankiisa ugu magacdaray بيان حول ما يجري من اقتتال بين جماعة الدولة ومجاهدي الشام ”Bayaan ku saab san dagaalka u dhexeeya Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam iyo Mujaahidiinta Shaam.” Halkaan ka eeg Bayaankii Sh Abu Basiir Al-Dharduusi

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu ka mid yahay culimo dhowr ah oo kooxihii ka dagaalamay Soomaaliya gaar ahaan ururka Al-shabaab ay soo wiidiiyeen su’aalo badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ka socda.

Hoos ka Daawo waraysiga Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus uu la yeeshay Tv-ga Alhiwar قناه الحوار qaybta 1aad

Hoos ka Daawo waraysiga Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus uu la yeeshay Tv-ga Alhiwar قناه الحوار qaybta 2aad

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online