Sh.Bashiir Axmed Salaad oo muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Daawo Videa]

February 22, 2014 - Written by Editor

Sheekh BashiirGaroowe:-Maalmihii la soo dhaafay ayaa masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe waxaa lagu soo bandhigay barnaamij lagu hormarinayo barashada culuumta shareecada iyo luqada carabiga gaar ahaan xalaqaatka cilmiga (habkii xer cilmiga ee soo jireenka ahaa).Ugu horayn waxaa barnaamijka ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay qiimaha cilimigu leeyahay iyo siyaabihii muslimiintu u baahin jireen gaar ahaan madaxda iyo maalqabeenka oo dhisi jirey madaaris diinta lagu barto, una samayn jirey awqaaf lagu maalgaliyo mashaariicda cilmi faafinta.

Culimadu waxay ugu baaqeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan maalqabeenka iyo madaxda inay taageeraan barnaamijkaan si loo soo saaro jiil fiican oo diinta Islaamka si wanaagsan u yaqaan.Waxaa kale oo muxaadarada Sh Bashiir Axmed Salaad ka dib hadal dardaaran ah oo aad u qiimo badan jeediyey Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ku dhawaaqay inay barnaamijkaan iyaga oo isku duuban ka hirgalinayaan gobolka Nugaal, uuna rajaynayo in dadku isku bato oo aakhirka xer-cilmiga loo qaybsado siddii beeluhu wax u qaybsan jireen.

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Sh. Axmed C/samad oo faahfaahin ka baxshay marxaladihii uu soo maray kulan-cilmiyeedkii horumarinta xalaqaatka cilmiga ee dhawaan lagu qabtay magaalada Laascaanood, culimadii kasoo qaybgashay, diraasadihii lagu soo bandhigay, manhajkii waxbarasho ee culimadu u dajiyeen xalaqaatka cilmiga, waxyaabihii manhajkaas lagu duldhisay iyo dardaarankii culumadu u jeediyeen bulshada Soomaaliyeed.

no images were found

Wuxuu sheegay in manhajkaan yahay labo qaybood: qayb loogu talogalay dadweynaha iyo qayb loo diyaarshay xer-cilmiga culimanimada loo diyaarinayo. Manhajka lagu soo saarayo culimadu wuxuu ka koobanyahay afar marxaladood oo qofkii u gacan banana uu ku dhamay nayo afar sannadood, waana manhaj dhamaystiran oo leh qaybihii culuumta shareecada iyo luqada carabiga. Waxaa kale oo weheliya xirfado xagga dacwada, tarbiyada, wacyiga iyo cilmibaarista. Waxaa kale oo xoog la saarayaa adeegsiga luqada carabiga iyo xifdiga culuumta.

Hoos Ka Dhagayso muxaadaradii Sh Bashiir Axmed Salaad uu ka jeediyey Masjidka Al-hudaa
ee Garoowe


Hoos Ka Dhagayso muxaadaradii Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf uu ka jeediyey Masjidka Al-hudaa
ee Garoowe


Halgan.net/Garoowe

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online