Sheekh Maxamed Idris Axmed oo booqday Paris [Masawiro]

February 19, 2014 - Written by Editor

untitled3France:-Alxamdulilah Rabbilcaalamiin, Booqashadii Paris, France wexey noogo soo dhamaatay si wanaagsan, dhammaan barnaamijkii aan qorshaynay muddo labaatan cisho ka hor si fiican ayuu noogu hirgalay, waxaan noo suurta gashay, in Muxaadaradii Caamka ahayd ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Paris iyo agagaarkeeda si fiican noogu dhacday, si fiicanna looga soo qayb galay, rag iyo dumar, dadka qaarna tuulooyinka hal saac ama 2 saac trainka lasoo raaco eey ka yimaadeen, wexey ahayd Muxaadaradii caamka ahayd ama Mu’tamarkii hal maalin ahaa oo noocan oo kale ahaa, ee u horreeyey ee Soomaalida loogu qabto Paris, ama France, Ilaahay ayaa Mahaddaas iska leh, ka dibna dhalinyartii soo qaban qaabisay oo isku soo agaasintey kulankan weyn, iyo dadweynihii Soomaaliyeed ee soo xaadiray..

untitledBarnaamijka waxaa lagu qabtay Hotel INN, oo ay leeyihiinniman Muslimiina oo Aljeeriyiin ah, wuxuuna noo bilawday 10 Subxanimo halkaasoo aan Seminar iyo aqoon is weydaarsi ugu qabanay dhalinyartii iyo guddigii Hawlaha wadey, Eng. Mukhtar Qoransay iyo anigana aan 2 presentation ka bixinay qaabka iyo maraaxisha loo maro asaasidda Markas Islaami ah iyo sida loo maamulo, iyo nidaamka hawl wadeenada.. Ka dibna waxaan tukaney Duhur, waxaana dadka oo dhan la siiyey qado ay aad usoo agaasimeen gabdhaha reer Paris khayr allaha siiyee, abbaraha 3 galabnimo waxaa noo bilaabatay Muxaadaradii caamka ahayd, taasoo aan kaga hadallay asbaabaha ummaduhu guul ku gaaraan, oo ay ka mid tahay iimaanka, cilmiga, himmadda sare, midnimada, kadibna waxaa la qaatay 20 daqiiqo oo salaadii casar iyo nasasho yar, ka dib waxaan isugu soo noqonay hoolkii muxaadarada oo Culimada reer France ay kelmado wacdiya ka jeediyeen, ka dibna Eng. Mukhtar Qoransay oo soo bandhigay Kafaalo Magazine, waxaa noogu xigtey inaan u yaboohinno reer France Gaar ahaan Paris iney Markaskii u horreeyey asaaskiisa bilaabaan, oo lacagtii meel markasa lagu kirayn lahaa ee la baxaan, si aynu camal ugu rogno hadalka, wexey dadweynuhu muujiyeen is xilqaan weyn iyo xamaasad aad u wanaagsan waxaana la yaboohay waqti kooban 18400 Euro..

untitled1Ka dibna waxaan ka jawaabney Su’aalihii dadweynaha qaar ka mid ah, duco iyo isa sagootin ayey kusoo gaba gabowdey, salaadii Maqrib ayaa lagu tukadey goobta ka dibna waa la kala hoydey.. Walaaluhu wexey noo kaxayeen magaalada Paris inaan xoogaa soo mar marno meeleheeda caanka ah, iyo casho, subaxnimadii Axadda salaadii subax ka horna waanu kasoo jarmaadney annagu ku wajahan Stockholm Sweden, oo isla markiiba aan rabno inaan uga gudubno Magaalada Vestaros, si aan Kulan weyn oo lagu Furayo Markaz Islaami ah oo Soomaalidu leedahay iyo Muxaadaro aan kaga qayb galno, waana Markaz fikradiisu intii dhawr sana ahba nagu wareegeysey..

Halgan.net
Paris
Sh Maxamed Idiris

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online