Waa lagu safaraayaa! W/Q Sh Axmed Cabdisamad

February 27, 2014 - Written by Editor

Sh Axmed CabdisamadWaxay ahayd 2005 iyo Muqdisho. Maqrib ka hor baan waddada warshadaha dhankeeda aadnay. Waxaa i weheliyey Sheekh. Abuu xassaan, Sh. Maxamed Tahliil (Alle ha u naxariistee) iyo Maxamed Macalin oo gaariga noo wadey. Inta aanaan laamiga gaarin ayaa mooryaan na hareeraysay oo gaarigii naga dhacday. Waxaan u lugaynay rugta saraakiisha oo noo dhaweyd. Xilligaas waxaa ku yaaley maxkamad islaami ah. Waxaan ku tukanay masjid ku dhagan.

Goortii aan tukanay ayaan maxkamadii galnay. Intii aan raggii meesha joogay ka waraysanayney mooryaanta aaggaan dagan ee na dhacday ayaa waxaa soo galay Aadan Xaashi Cayrow oo gaari iyo askar wata. Maxmed Tahliil baa markiiba la booday si ay dadkii deegaanka uga soo waraystaan mooryaanta na dhacday iyo haybtooda, anaguna maxkamada dhexdeedii ayaan kusii sugnay.

Intii aan fadhinay ayaa nin oday ah oo maxkamada ka tirsan noo sheekeeyey. Wuxuu yiri hub la’aan inaad socotaan maahayn. Anigu bumbada ma dhigo. Haddii aadan hub wadan waa lagu safraayaa, waana lagu boodaayaa!. Waxaan aad ula yaabnay ninkaa caamada ah ee miskiinka ah sida ay u lugooyeen oo dunida oo dhan ugaga dhigeen bahalo isaga kala boobaya oo inay isaga suuq-geeyaan u wada diyaar ah.

Waa lagu qabanayaa iyo waa lagu dhoofinayaa waxay ahayd xeelad dadka lagu kiciyo, ka dibna lagu duufsado. Waxaan isweydiinay annaga oo rag badan ah war intaa waxbaa la dhoofiyey baa la leeyahaye waayo cidda la dhoofiyo!.Kaaga darane dicaayadu waxay gaartey in la yiraahdo kartoono madaxyo ah ayaa diyaaradaha lagu raraa oo Itoobiya loo beec-geeyaa.

Qisooyinka beryahaas suuqa lahaa waxaa ka mid ahaa in nin kartoon diyaarada saaran daboolka ka qaaday oo uu ku arkay madaxyo dad oo wada dhiigaya!. Ujeeddada been-abuurkaan iyo buunbuunintaan ay u samaynayaan waa inay dadweynaha ku beeraan cabsida iyaga ku gaarka ah; si ay dadkaas oo dhan gabbaad uga wada dhigtaan, cidda iyaga kusoo socotana ay ugu muujiyaan cid dadkaan oo dhan ku soo socota.

Waxaa laga yaabaa inaad u malaysid in Al-shabaab kaliya ay xeeladaan isticmaasho laakiin xaqiiqo ahaan waxaa isticmaala dad badan oo leh dawlado, ururo, qabiilooyin iwm. Siyaasiga kursigiisa u baqaya ama inuu kursi waayo ka cabsanaya jifadiisa oo dhan wuxuu ku jihaynayaa cidda uu is leeyahay kursigaaga ayay khatar ku tahay, mana oranayo kursigayga ayay u socdaane iga celiya ee wuxuu u muujinayaa in reer hebel aan wax loo oggolayn, ayna tahay in la iska celiyo.

Gabagabadii aqoonyahanka iyo indheer-garadka waxaa la gudboon inay bulshada ka ilaaliyaan marinhabaabinta iyo abaabulka qaldan ee dadka danta leh iyo qalabka warbaahintu ku samaynayaan.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online