Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo gaaray magaalada Boosaaso[Video]
February 22, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray Bosaaso wafdi wasiirro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Maaliyadda Eng. Shire Xaaji Faarax, wafdiga wasiiradda ayaa waxaa looga hortegay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si loo soo dhaweeyo waxaan soo dhaweyntooda ka qayb qaatay maamulka Gobalka Bari,iyo weliba kan degmada.
Wafdiga wasiirrada ah ee uu hogaamiyey wasiirka maaliyadda Eng. Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xassan (soocade) iyo masuuliyiin kale duwan oo isla maanta booqasho ah ku tegay Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso iyo Kastamka wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Eng.Shire Xaaji Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in wasaaraddiisu ay ka go.an tahay in ay dhaqaalaha Puntland ay kobcido iyo in la hello ilo dhaqaale kale oo la mid ah Dekkada Boosaaso si dhaqaalaha Puntland uu u horumaro.
Hoos ka Daawo wafdiga Wasiirka Maaliyadda Puntland Eng.Shire Xaaji Faarax ee soo gaaray Boosaso
M_M_Deeq
Halgan.net