Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo gaaray magaalada Boosaaso[Video]

February 22, 2014 - Written by Editor

DSC06145Boosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray Bosaaso wafdi wasiirro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Maaliyadda Eng. Shire Xaaji Faarax, wafdiga wasiiradda ayaa waxaa looga hortegay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si loo soo dhaweeyo waxaan soo dhaweyntooda ka qayb qaatay maamulka Gobalka Bari,iyo weliba kan degmada.

Wafdiga wasiirrada ah ee uu hogaamiyey wasiirka maaliyadda Eng. Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xassan (soocade) iyo masuuliyiin kale duwan oo isla maanta booqasho ah ku tegay Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso iyo Kastamka wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Eng.Shire Xaaji Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in wasaaraddiisu ay ka go.an tahay in ay dhaqaalaha Puntland ay kobcido iyo in la hello ilo dhaqaale kale oo la mid ah Dekkada Boosaaso si dhaqaalaha Puntland uu u horumaro.

Hoos ka Daawo wafdiga Wasiirka Maaliyadda Puntland Eng.Shire Xaaji Faarax ee soo gaaray Boosaso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online