Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay iyo Agaasimihii TV-ga qaranka oo ku dhaawacmayy qaraxa.
November 20, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariisto agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo ku magac dheeraa Cabdi Casiis Afrika, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Weriye Cabdicasiis afrika, ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxa,waxaana sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa Sharma’arke Maxamed Warsame oo ahaa Agaasimaha Tv -ga Qaranka Soomaaliya iyo Darawalkii gaariga .
Cabdicasiis Afrika, ayaa waxaa uu qeyb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiray kooxda caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah ee Al Shabaab wuxuuna soo saare ka ahaa barnaamijka Gungaar ee lagu wareysan jiray dagaalamayaasha Alshabaab ee dowladdu gacanta ku dhigto,
Agaasimihii telefishinka qaranka Somaaliya, Sharmaarke Maxamed Warsame ayaa waxaa dhaawaciisa loo gaaday Isbitaalka isaga iyo darawalkii gaariga .
A/Cawale
Halgan.net