Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la qadeeyey Ciidanka Madaxtooyada Puntland.[Masawiro]

November 5, 2021 - Written by Editor

Garoowe: 05 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la qadeeyay oo wakhti la qaatay Ciidamada Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidamada Madaxtooyada, Kadibna wuxuu ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka u hayaan, isagoo kulan la qaatay Ciidamo ku dhaawacmay difaaca dalka kuwaasi oo uu amray in dhakhso wax looga qabto baahiyahooda Caafimaad.

Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo ah kuwa ugu horeeyay ee lagu billaabay qorshaha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidamada Puntland, waxaa ka muuqda isbedel weyn oo dhinaca horumarka ah, Kaasi oo ku yimi balan qaadkii Madaxweynaha ee dib-u-habeynta Ciidamada oo hirgalay.

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn kormeeray Ceelka iyo Warshadda Biyaha macaanisa oo laga hirgeliyay rugta ciidamada Madaxtooyada ee Garoowe.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online