Madaxweynaha dowladda Puntland oo xerada Xorgoble ee Qardho Tababar ciidan ugu soo xiray dufcadii 4-aad ee ciidanka Booliska. [Masawiro/Video]

November 22, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta tababar usoo xiray dufcadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo muddo Lix bilood ah tababar ku qaatay Dugsiga tababarka Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidamada maanta tababarka dhameystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharadii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga iyo ladagaalanka maan dooriyaha.Ciidamada Booliska ah ee maanta tababarka loo soo xiray oo ka badan 700 oo Askari oo isugu jira wiilal iyo gabdho qeybtood aqoon Jaamacadeed leeyihiin, waxay ka kala yimaadeen Gobolada Puntland waana dufacadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah ee ay Dowladdan soo saarto.

Dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamada waa ballan qaadkii Madaxweyne Deni, ee xiligii doorashada oo uu Madaxweynuhu uga dhabeeyay Bulshadiisa, waxaana taasi horseeday isbedel wanaagsan oo ku yimi Ciidamada iyo guud ahaan Amniga Puntland .

DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online