Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Qatar

November 29, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.

“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka war-bixiyay safarka Madaxweynaha.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online