Madaxweyne Farmaajo oo madaxda dalalka Comesa u ban dhigay fursadaha maalgashiga dhaqaale ee dalkeenna

November 23, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb-galay Shir Madaxeedka Suuqa-wadaagga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ku aaddan maalgashiga Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka ay aas-aas u tahay qorsheyaasha heer Qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay.
“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dhidibbada u taagay dalladan ganacsi ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa boggaadiyay dadaallada Madaxda Dalalka ku bahoobay COMESA ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha is-dhexgalka dhaqaalaha, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas, loogana soo kabto saameynta xooggan ee Cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalalka Gobolka.
“Wadamada xubnaha ka ah COMESA waa kala duwan yihiin, waxayna qani ku yihiin kheyraadka dabiiciga ah iyo kan aadanaha labadaba. Waxaa jira fursado dhab ah oo tan looga faa’iidaysan karo iyada oo loo marayo in la xoojiyo ganacsiga gudaha ee COMESA”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulankan kagala qeyb-galay hab fogaan arag ah Madaxda dalalka ku mideysan dallada dhaqaalaha ee COMESA, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Hay’adaha Maaliyadda ee heer Qaaradeed iyo Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee dalladda dalalka ku mideysan COMESA.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online