Shirar jaraa’id oo kale duwan oo ay Boosaaso ku qabteen wasiirka amniga , Taliyaha guud ee ciidanka Dowlada Puntland iyo Saraakiisha PSF[Video]
November 26, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Taliyaha guud ee ciidanka Dowlada Puntland S/gaas Yasiin Cumar Dheere oo ay waheliyaan Taliyaasha Qaybaha Booliiska iyo Daraawiishta Gobolka Bari ayaa Shir jaraa’id ay ku qabteen Magaaladda Bossaaso uga hadlay xaaladda amni waxayna fariin u direen Talyihii hore ee ciidanka ammaanka PSF iyagoona sheegay in uu si nabad ah xilka ku wareejiyo.
Dhinac kale saraakiisha Ciidamada PSF ayaa iyagan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay culays ciidan la soo dulsaaray is hortaag badan lagu sameeyey gaari waday nin xanuunsan oo ka tirsanaa Ciidamada PSF ka dibna culayskaas ciidan ka dib ay ka soo baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen Sugurre iyo Galgala”
M_M_Deeq
Halgan.net