Taliyaha Booliska Gobolka Bari oo ka warbixiyey howl gal lagu qabtay dhalinyaro amni daro ka waday Boosaaso [Video]

November 6, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Laamaha Amniga Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii La soo dhaafay Cabasho Wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Bosaaso. Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Magalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo maanta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Bosaaso Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas.

Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo hada xaaladohooda Caafimaad lagu daweenaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo Itoobiya,Qabaahada ragan dhalinyarada u badan ayaa timi ka dib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska booliska Gobalka Bari.

Sidoo kalle waxaa jirtay dhalinyaro kale oo lagu soo qabtay dhaca Moobilada kadib markii Dadkii la dhacay ay weceen Lanbarka Gaaban ee Booliska Gobalka Bari 997 balse raadinti loo galay dhalinyradaas ayay booliska heleen goob ay donayeen in ay dhac ka geystaan sidaas ayaa lagu helay dhanyaradaan oo qeybtood manta ay Booliska soo bandhigeyn.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada iyo ciidamada booliska, sidoo kale waxa uu tilmaamay in howl galada ragan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay Goobahaas, Taliye Xuseen ayaa sheegay in ragaan maxkamada la horgeyn doono waxa kalo uga digay dhalinyarada ku howlan falkaas in ay ka waantoobaan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online