Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray degmada Berdaale ee gobolka Baay
February 9, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Ciidamo ka tirsan midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee gobolka Baay,waxaana ay ciidamadaas ka kooban yihiin dalalka Ugandha iyo Itoobiya.
Ciidamada ka tirsan AMISOM ee saaka gaaray Degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabi doonaan gobalka Bay sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Isaaq Af-case Duqa degmada Berdaale .
Duqa degmada Berdaale ee gobolka Baay Maxamed Isaaq Af-case ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan AMISOM ay soo gaareen degmada Berdaale ee gobolka Baay
Abaanduulaha ciidanka DFS ayaa dhawaan sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka bilaabayaan gobalada Baay iyo Bakool oo ay deegaano ka tirsan ku sugan yihiin Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net