Kulan lagu soo bandhigayo barnaamijka horumarinta xalaqaatka cilmiga oo lagu qabtay masjidka Al-hudaa ee Garoowe
February 18, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Xalay ayaa masjidka weyn ee Al-hudaa lagu soo bandhigay barnaamij lagu hormarinayo barashada culuumta shareecada iyo luqada carabiga gaar ahaan xalaqaatka cilmiga (habkii xer cilmiga ee soo jireenka ahaa). Ugu horayn waxaa barnaamijka ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh. Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay qiimaha cilimigu leeyahay iyo siyaabihii muslimiintu u baahin jireen gaar ahaan madaxda iyo maalqabeenka oo dhisi jirey madaaris diinta lagu barto, una samayn jirey awqaaf lagu maalgaliyo mashaariicda cilmi faafinta.
Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Sheekh. Axmed C/samad oo faahfaahin ka baxshay marxaladihii uu soo maray kulan-cilmiyeedkii horumarinta xalaqaatka cilmiga ee dhawaan lagu qabtay magaalada Laascaanood, culimadii kasoo qaybgashay, diraasadihii lagu soo bandhigay, manhajkii waxbarasho ee culimadu u dajiyeen xalaqaatka cilmiga, waxyaabihii manhajkaas lagu duldhisay iyo dardaarankii culumadu u jeediyeen bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in manhajkaan yahay labo qaybood: qayb loogu talogalay dadweynaha iyo qayb loo diyaarshay xer-cilmiga culimanimada loo diyaarinayo.
Manhajka lagu soo saarayo culimadu wuxuu ka koobanyahay afar marxaladood oo qofkii u gacan banana uu ku dhamaynayo afar sannadood, waana manhaj dhamaystiran oo leh qaybihii culuumta shareecada iyo luqada carabiga. Waxaa kale oo weheliya xirfado xagga dacwada, tarbiyada, wacyiga iyo cilmibaarista. Waxaa kale oo xoog la saarayaa adeegsiga luqada carabiga iyo xifdiga culuumta.
Culimadu waxay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan maalqabeenka iyo madaxda inay taageeraan barnaamijkaan. Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ku dhawaaqay inay barnaamijkaan iyaga oo isku duuban ka hirgalinayaan gobolka Nugaal, uuna rajaynayo in dadku isku bato oo aakhirka xer-cilmiga loo qaybsado sidii beeluhu wax u qaybsan jireen.
Waxaa kale oo isna barnaamijka ka hadlay Xaaji Yuusuf Jaamac Dagal (Cambacambe) oo ka mid ah ganacsatada iyo waxgaradka gobolka, wuxuuna ku dhawaaqay inay si buuxda u hirgalin doonaan barnaamijkaan o aysan xoolo u waayi doonin.
Gabagabadii nadwadaan oo uu xiriirinayey Sh. Mukhtaar Axmed Faarax waxaa soo gunaanaday madaxa xafiiska gobolada ee mu’assasada Alminhaaj ee dacwada iyo horumarinta Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir oo isna ballanqaaday inay barnaamijkaan ka hirgalin doonaan deegaanada mu’assasadu ka shaqayso iyaga oo kaashanaya culimada, maalqabeenka iyo dadweynaha.
Halgan.net